Markab

wel come somalidutch media

Isbeheysida Dib u xoreynta iyo Dowlada kmg Soomaaliya oo dhamaadka Bishan dooranaya madaxweyne cusub oo dalka Soomaaliya uu yeesho.

     Midowga Africa ayaa sheegay in dhamaada bishaan isbahaysiga dib u

xoraynta iyo dowladda KMG ay si wada jir ah u dooran doonaan Madaxweyne cusub oo uu yeesho Dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxafeed uu soo saaray midowga Africa kadib kulan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku dhex maray

wakiilo ka kala socda dowladda KMG,wadamo ka tirsan midowga Africa iyo wakiilo ka socday QM ayaa waxaa la sheegay in 26-ka

bishaan January ay dowladda KMG iyo isbahaysiga sida jir ah ay u soo dooran doonaan madaxweyne cusub oo badalaya madaxweynihii

xilka iska casilay ee C/laahi Yuusuf Axmed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in magaalada Jabuuti ay ka dhici doonto doorashada in kastoo aan la shaacin qaabka labada

dhinac ay u midoobayaan iyo waqtiga ay midoobayaan.

Hase ahaateen warsaxaafeedka ayaa lagu sheegay in Barlamanka Labada dhinac la doonayo in ay tartamaan iyadoo arimahaasina ay yihiin kuwa haatan lagu dadaalayo,waxaana sidoo kale war ka soo baxay wadamada midowga Africa lagu sheegay in doorashadu ay dhicitoonto waqtiga loogu tala galay.

War saxafadeeka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahanyahay in lalabo jibaaro dadaalada beesha caalamka ee lagu taageray

o ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo gudaha dalka Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa sidoo kale sheegay in ay u baahanyihiin in wax badan laga qabto ammaanka magaalada Muqdisho islamarkaana

ciidamada midowga Africa ay helaan taageero fara badan.

Arintaani ayaa ku soo aadaysaa xili dowladda KMG iyo isbahaysiga dib u xoraynta ay ka soo yeerayeen hadalo kala duwan kuwaasi

oo la xariira qaabka ay u dhaceyso doorashada madaxweynaha badalaya C/laahi Yuusuf Axmed.

Afhayeenka Barlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa halkaasi ka sheegay in

30-maalin gudaheed ay soo dooran doonaan madaxweyne cusub isagoo sheegay in doorashada madaxweynahasina ay ka dhici doonta

magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraytna garabka Jabuuti Sheekh Shariif Shekh Axmed ayaa mar uu la hadlayay idaacada Shabelle

waxaa uu sheegay in aysan wax micno leh soo kordhinayn hadii Barlamanka dowladda KMG ay doortaan madaxweyne inta aan la

midayn labada Barlaman.

somalidutch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *